Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo wada-hadal ugu baaqay siyaasiyiinta ka soo horjeeda
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee shalay loogu caleema saaray magaalada Baydhabo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa baaq u diray garabkii taageersanaa dhismaha maamulka Lixda gobol ee uu hogaaminayey Madoobe Nuunow Maxamed xili uu khudbad ka jeedinayey caleema saarkiisa.
Shariif Xasan wuxuu sheegay in ay tashteen dadka dega saddexda gobol ee maamulkan Bay, Bakool iyo Shabellada Hoose ayna dhisteen maamulka Koonfur Galbeed loona baahan yahay in uu ku sheegay tiro yar oo weli ku taagan mowqifkii dhismaha lixda gobol in ay ku soo fariistaan miiska wada-hadalka si loowada xaajoodo tabashooyinkoodana la dhageysto.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ka hadlay mowqifka uu ka aaminsan yahay maamul lix gobol ah, wuxuu xusay in hadii labadan maamul ay mustaqbal u gartaan danta labada maamul in ay ku jirto midow in xiligaa ay dhici karto afti iyo ogalaansho dadweyne la qaado.
Maamulka Saddexda gobol ayaa dhismahiisa la soo bilaabay bartamihii sanadkan ka dib markii dowladda federaalka ay miiska iskugu keentay garabyadii isdiidanaa ee maamulka gobolada Koonfur Galbeed isku hayey, waxaa aqoonsi uu ka helay dowladda federaalka iyo beesha caalamka oo soo dhaweeyey maamulkan cusub.