Mooshinka ka dhanka ah Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh oo maanta laga doodaayo
Maanta oo Khamiis ah xildhibaanada dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku ballan san yihiin in ka doodaan mooshinka laga keenay xukuumada Ra’iisal wasaare C/wali Sheekh Axmed oo gudoonku baarlamaanku aqbalay Talaadadii.
Fadhiga maanta ayaa qaadanaya ilaa gelinka dambe ee maanta oo Khamiis ah waxaana xildhibaanadu ka doodayaan mooshinka laga keenay xukuumada, Sidoo kale waxaa la shaacinaya tirada xildhibaanada mooshinkan keenay, iyagoo su’aalo laga weydiinayo mooshinka Ra’iisal wasaaraha.
Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh ayaa lagu wadaa in uu maanta ka qaybgalo fadhiga looga doodayo moshinka laga keeney isla amrkaana uu iska difaaco eedaymaha loo jeediyey, haddii arrintaani suurta gasho waa mid ka duwan qaabkii Xildhibaanadu ula dhaqmeen Raysalwasaare Saacid oo ay u diideen xitaa in uu iska difaaco Mooshinka laga keenay.
Fadhigii maalintii Arbacada ee shalay ayaa waxaa hareeyey in kuraas badan ay faaruq ahaayeen kadib markii Xildhibaano badan ay safar ugu baxeen magaalada Baydhabo si ay uga qaybgalaan caleema Saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Adam, inkasta oo Guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya prof. jawaari aanu ka qaybgelin caleema saarkaas.
Maalinta sabtida ah ee 6 Diseember ayaa lagu wadaa in codka kalsoonida la qaado waxaana warar lagu kalsoonaan karo sheegayaan in codeyntu noqon doono mid qarsoodi ah.
Xarunta Baarlamaanka sida aynu ku helayno wararka amnigeeda waxaa si weyn usugayo kuna sugan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Wararka ku soo kordha warkan dib ka lasoco.