Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dil ka badbaadey
Subaxnimadii hore ee maanta oo Khamiis ah waxaa koox hebeysan ay weerar ku qaadeen Xildhibaan Mayow Xaaji Mustaf oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa weerarkaas ku dhaawacmey, waxase wararku sheegayaan in labo qof o kale oo gaarigiisa saarneyd ay ku dhinteen weerarkaas, mid kamid ah labada qof ee lagu diley weerarkaas ayaa ahaa Liibaan Cabdullaahi oo horey uga tirsanaan jirey Baarlamaanka.
Xil.Mayow ayaa marka la dhaawacayey marayey degmada Xamarweyne, waxaana la sheegey in uu ku jirey gaarigiisa isaga oo ku socdey fadhiga Baarlamaanka ee maanta ka doodaya Mooshinka.
Dhaawaca soo gaarey Xildhibaanka ayaa la sheegayaa in uu yahay mid cuslus, waxaa dhaawiciisa la geeyey Isbitaalka Madiina, waxaana hadda xaaladiisa gacanta ku haya dhakhaatiirta.
Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey in ay iyagu fuliyeen weerarkan dileen Xildhibaan hore Liibaan Cabdulaahi Nuur isla markaana dhaawaceen Xil. Mayow Xaaji Mustafe.
Weerarka Xildhibaanka ayaa imaanaya iyada oo maanta loo ballan sanyahay Mooshinka xukuumadda ka dhanka ah, raysalwasaarahana lagu wado in uu hortago Baarlamaanka.